War hadda soo gaadhay Halgan Media ayaa sheegaya in Maleeyshiyaadka Oromada ayaa gabi ahaamba xidheen jidka dheer ee isku xidha caasimada Addis Ababa iyo ismamuulka Axmaraada.

Jidkan ayaa ah jid ahmiyad gaar ah u leh Itoobiya. Maalinimadii shalay ahayd taariikhduna ay ku beegnayd 13/10/2019 ayey kooxo hubeysan jidka xidhay.

Warkan ayaa intaas ku daray inay ciidamada dowlada Itoobiya kusoo daabuleen deegaankan ciidamo iyo Taangiyada dagaalka si ay wadadaas halbawlaha ah u furaan hasayeeshee Maleeyshoyaadka Oromada oo aad u hubeysan ayaa diiday inay jidka dib u faraan, waxaana laga cabsi qaaba inuu dagaal dhaco.

Kala soco Halgan Media wixii faah faahin ah ee warkan ka soo kordha haddii eebo yidhaahdo.