Waxaa maanta ka socda Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubada Hoose banaanbaxyo balaaran oo looga soo horjeedo dowalda Fedaraalka. Banaanbaxyadaasayaa waxa ka qayb qaadanayaan qaybaha kala duwan ee Bulshada ku nool Magaalada Kismaayo.
Kumanaan shacab ah oo iyagu isa soo abaabulay ayaa isku soo baxay Wadooyinka waweyn ee Magaalada Kismaayo iyaga oo ku dhawaaqaya halku dhigyo sheegay in ka soo horjeedaan diidsanyihiina go’aankii ay qaadatay Dowlada Soomaaliya.
Dowlada Soomaaliya ayaa horay waxba kama jiraan ugu tilmaantay Doorashiidii uu dhawaan ku soo baxay Axmed Madoobe. Ammaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay mana jiro wax dhaqdhaqaaq ganacsi ah oo magaalada ka socda sida ay soo sheegayaan wariyayaasha ku sugan Kismaanyo.
Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.