Baarlamanka dalka Kenya ayaa loo gudbiyey mooshin ku wajahan xukuumadda, kaasi oo ku saabsan habka ay tahay inay u xaliso muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya, si baarlamanka u ansixiyo.

Mooshinkan oo uu diyaariyey hoggaamiyaha aqlabiyadda ee baarlamanka, Aadan Ducaale ayaa ka codsanaya dowladda inay xaliso muranka badda islamarkaana ay ilaaliso madaxbannaanida iyo sharafta dhuleed ee Kenya, si waafqsan qodobada 5, 241(3), 255 ee dastuurka Kenya, sida lagu yiro qaraarka.

Mooshinka ayaa soo jeediyey dhowr tallaabo oo ay tahay in dowladda ay qaado kuna wajahdo murankan. Sidoo kale mooshinka Kenya ayaa imanaya ayada oo maxkamadda ICJ ay mar kale dhageysan doonto dacwadda badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, bisha September ee 2019.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.