Baaritan ay sameeysay Halgan Media oo socday todobadyadii ugu dambeyay ayaa lagu xaqijiyay in booliska Magaalada Baydhabo ay albaabada u xireen Dugsi Quran, kadibna ay ka dhigeen Xero Boolis.

Dadka ku nool Xaafada Isha oo ayaa cabasha xoog leh mujiyay kadib markii Booliska magaalada Baydhabo ay amreen in ardayda iyo Macaliminta Quranka in ay baneeyan boos/ama Dhul loo isticmaalayay Dugsi Quran 30kii sano u dambeyay

Dugsiga Quranka ee ku yaala xaafada Isha waxaa la furay markii u dalka burbuuray 1991kii, iyadoo loogu talagalay in lagu soo xareeyo, laguna baro Quranka kariimka agoonta iyo caruurta kasoo jeedo qoysaska danyarta, balse waxwalba ayaa is badelay isbuucii nasoo dhaftay markii askar ka amar qaadanayo taliyaha Booliska Magaalada Baydhabo ay gudaha galeen dugsi Quraanka kadibne ay bur buriyeen.

Ariintan ayaa buuq badan dhaliysay waxaana isku dayay in uu soo fargeliyo Cali Sacid Fiqi oo ah Guddomiyaha barlaamanka ee Koonfur Galbeed ahna gacanta midig Cabdiaziz Laftagreen, wuxuuna Cali Sacid yahay kusiimaha madaxweynaha xiliyada oo Laftagreen uu ka maqan yahay degaanka.

Cali Sacid Fiqi ayaa amray in booliska Magaalada Baydhabo ay joojiyan burbuurinta ay ku hayan Dugsiga Quranka hadi kale in tilaabo deg deg laga qaadi doono Saraakisha ku lugta leh burbuurinta Dugsi Quraanka lakiin sheekada halka kuma ekeen, waxaana dhacay arimo lama filaan sida aan xogta ku helnay.

Hoos waxad ka akhri kartan Bayan kasoo baxay xaafiska kusimaha madaxweynaha Cali Sacid Fiqi oo ay Halgan Media si Qarsoodi gacanta ugu dhigtay oo amrayo in la joojiyo burbuurinta Dugsiga Quranka.

Ilo wareedyo ka shaqeeyo madaxtooyada Koonfur Galbeed oo diiday inaan magacooda sheegno amni awgeed ayaa Halgan Media u xaqijiyay in taliyaha Booliska Magaalada Baydhabo ayaa si cad u diiday amarka kasoo baxay kusimaha madaxweynaha Cali Sacid Fiqi, isagoo oo si waday burbuurinta Dugsiga Quraanka ku yallo xaafada Isha, taasna waxa ku cadeeynaya in uusan maamul ama dowlad midna ka jirin Magaalada Baydhabo balse u tahay magaalo ay gacanta ku hayan, kuna dhex loolamayan koox burcad oo sida ay raban u dhaqman.

Maanta oo taariikhda ah 11ka biisha Luulyo waxa Dugsiga Quraanka ku yaala xaafada Isha ee Magaalada Baydhabo ka socdo buurburin xogan oo lagu hayo Dugsi Quraanka, iyadoo banaanka la geeyay ardayda iyo macaaliminta sida ay Halgan Media u xaqijiyeen dad goobjoogyal.

Hoos waxad ka arki karta sawiro ay Halgan Media goor dhow ka heshay Dugsiga Quraanka ku yaala xaafada Isha oo mujinaya Macalamiinta iyo ardayda oo banaanka la dhigay si naxaris laan si dugsi Quraanka loogu bedelo xero Boolis.

Sida muqaato go’aanka Xaraanta ah oo ay qadeen saraakisha ku sugun Magaalada Baydhabo wuxuu faaido u noqon doona kooxda xaqijirenta ee Al Shabaab oo aaminsan in dalka iyo diinta lagu yahay Dulaan sida ay tageero ugu helan bulshada ku nool Koonfur Galbeed gaar ahaan Gobolka Bay.

Halgan Media