Waxaa aad loo hadal hayay baryihii danbe sababta uumadaxwaynaha go’aan la qaadan la’yahay, isagoo mar walba la soo hadlayay Fahad Yasiin oo aanan imaan karin Dhuusomareebsababo lagu sheegay cabsi uu ka qabo dil qorshaysan oo ay beesha Hawiye la maagan tahay.

Cabdirisaaq Caato oo ciyaaraya doorka Fahad Yasiin ee Dhuusomareeb. 

Cabdirisaaq Caato oo isla bishan xilka xog-hayaha joogtada eexafiiska Ra’isal Wasaaraha looga qaaday kadib fal ku tagri falawoodeed iyo dulmi qaawan oo uu kula dhaqaaqay Prof. Yaxyeoo ahaa la taliyaha RW Kheyre ayaa hada ku shaqaynaya xilkaagaasimaha madaxtooyada Somalia oo uu horay isaga tagayFuursade kaas oo loogu magacaabay si ku-meel gaar ah.

Sawir : Cabdirisaaq Caato

Caato waa nin ka sida toos ka ah isugu xiraya Farmaajo iyoFahad Yasiin si uu go’aanada la gaarayo uga soo qaado Fahad, kadibna madaxwaynaha dhagta ugu sheego. Fahad ayaa aad ugukalsoon Caato, waana sababta ugu wayn ee agaasime Fuursadeisaga huleelay madaxtooyada kadib markuu arkay gacan dhaafbadan oo hareerihiisa socday maalmihi danbe.

Ugu danbayn waxaa rajo fiican aan laga qabin in shirkaDhuusomareeb 3 ay ka soo baxaan aragtida qaabka doorasho eelagu midaysan yahay, maadaama qofka kaliyah ee go’aan ka gaaraya uu yahay Fahad Yasiin oo shirka u fadhiya si dadbanahna qofka kaliyah ee go’aanka ugu danbeeya leh.

Muqaalka oo dhameystiriin hoos ka daawo.

Halgan Media.

Email : info@halganmedia.net