Xigasho Daahir Maxamed Cali (Daahir Baasto) Gudoomiye kuxigeenka 1aad ee JWXO. Dahir Mahamed Ali

Taariikhda halgan ee Ogaadeenya (Qaybta 1aad)

Taariikhdu waxay leedahay muuqaal bannaan yaal ah oo ka hadla dhacdo maalmeedka dowladaha, sooyaalka qarniyadii tagay iyo muuqaal qarsoon oo ah fiirada iyo aragtida dhabta ah ee noolaha iyo ogaalka qaabka dhacdooyinka.

Sida aan la wada soconno gumaystayaashii reer Yurub ee qabsaday qaaradda Afrika waxay ka gumaysteen dhinacyada dhaqanka, dhaqaalaha iyo aqoonta, arrintaas oo ah furaha dib u dhaca maanta jira, kaddib markii ay iska hor yimaadeen danahoodii gumaysi ee qaaradda ay kalahaayeen, dowladihii reer yurub waxaa dhexdooda ka dillaacay colaad muuqata oo sababtay labadii dagaal ee dunida soo martay, gaystayna burbur naf iyo maalba leh.

Dhammaadkii dagaalkii labaad ee dunida sannadkii 1945kii waxaa billowday halgan ay hormuud ka yihiin dadyowgii dulmanaa ee la cadaadin jiray, ujeedadiisuna ay ahayd in ay iska qaadaan dulmiga lagu hayo, halgankaas oo sababay in ay xayndaabkii gumaysiga ka baxaan ummado badan, gaar ahaan Afrika waxaa samaysmay maamullo ay si muuqaal ah gacanta ugu hayaan hoggaamiyeyaal kasoo dhex baxay bulshadii soo halgantay.

Madaxdii cusbayd ee Afrika waxaa markiiba soo food saartay culays ka dhashay xuduudihii lagu kala qaybiyay dadyowga qaaradda kaddib markii shucuub badan la raaciyay kuwo kale oo ayna wadaagin dhiig iyo dhalasho toona, arrintaas oo hor joogsatay horumarkii la gaadhi lahaa kana dhigtay madaxdii shucuubta Afrika kuwo ay tabartoodu yartahay.

La socda qaybaha danbe ee Taariikhdan oo taxane inoo noqon doonta Insha Allaah

W/Q : Liban Miyir