Maleeyshiyaadka Oromada ayaa xalay weerar bahalniimo ka fuliyay Gobolka Faafan ee dhulka Somali Galbeed sida ay dadka degaanka u xaqijiyeen Halgan Media.

Gaariga loo yaqaano “Bus” oo kamid ah gawaarida ay dadka ku safran ayaa mid kamid xalay fiidkii salada maqrib kadib kasoo baxay caasimada Jigjiga isago ku wajahan degmada Tuliguuleed oo 25 kilomitir u jirto caasimada Jigjiga,

Gaarigan ay dadka ku safrayeen ayaa la weeraray markii ay dhexmarayeen tuulada Faadheeced oo isla katirsan Gobolka Faafan, kuna yaala jidka isku xidho Jigjiga iyo Tuliguuleed, waxaana gaariga jidka u galay Maleeyshiyaad hubeysan oo kasoo jeedo qowmiyada Oromada, kuwaa oo kasoo gudbay xuduudka u dhaxeeya Gobolka Oromada iyo Somali Galbeed waxaana la sheegay in Oromada ay si bareer u rasaaseyeen gaariga.

Qaar kamid ah dadka degaanka oo sakay khadka Telefonka kula hadlay Halgan Media ayaa xaqijiyay in hal Qof uu ku dhintay weerarka, halka ay sedax qof oo kale ku dhawaacmen balse galabta waxa la xaqijiyay in dhawaca uu gaaray ilaa 4 qof.

Waxaad hoos ka akri karta magacayda dadka ku dhawaacmay weerarka.

1) Cali Ibrahim Cabdi
2) Saacada Maxamed
3) Ciid Xasan
4) Nimco Cabdi

Shaqsiga lagu dilay weerarka oo gaariga sarnaa, waxa magaceeda lagu koobay Xalimo sida ay khadka Telefonka Halgan Media u xaqijiyen qaar kamid ah dadka degaanka.

Ma ahan markii u horeeysay ay Maleeyshiyaadka Oromada ay fuliyan weerar bahalniimo oo nucaan ah ay la beegsadan shacabka Soomaaliyed, waxayna u muqaato in ay cadowga Oromada wali wadaan hamigooda ku sabsan dhuul boobka ay ku hayaan shacabka Soomaaliyed.

Halgan Media.