Ciidamada Kenya oo ka howl-gallo magalaada Mandera katirsan dhulka Somalida ay Kenya gumaysato loo yaqaano NFD ayaa maanta toogtay Haweeney Soomaali ah oo ka mid aheyd dadka deegaanka Rhamo ee maamulkasi, xilli ay howlgallo roondo ah ka wdaaeen halkaasi.

Haweeneydani ayaa lagu Magacaabi jiray Cabdiya Cumar , Sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Sidoo kale dadka deegaanka Rhamo ayaa  durbo bilaabay rabshado, kadib toogashadaasi, taas oo keentay in ay soo dhexgaalaan Saraakiisha sar sare ee Ciidamada Kenya, kuwaasi oo sheegay in ay ka xun yihiin dhacdadaasi.

Taliyaha Booliska Mandera oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in haatan xaaladdu at caadi ku soo laabatay, islamarkaana ay tallaabo ka qaadaayaan cid alaale iyo cidii lagu helo in ay dhibaato u gaysaneyso shacabka, sida uu hadalka u dhigay.

Inta badan Ciidamada Kenya ayaa lagu eedeeyaa in ay dhibaatooyin u geystaan shacabka Somalida oo waxba galabsanin.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.