Kooxo Burcad-beed ah, ayaa Axaddii shalay ku guul-darraysay, isku day ay ku doonayeen in ay ku qafaashaan Markab shidaal, kaasi oo marayay xeebaha u dhexeeya Soomaaliya iyo Yemen, sida laga soo xigtay shirkadda markabkaasi leh.

Markabka oo ay leedahay shirkadda Stolt-Nielsen, oo ku gooshayay calanka waddanka Ingiriiska, islamarkaana ka soo shiraacday dekedda magaalada Jubail ee dalka Sacuudi Carabiya, ayaa Burcad-beeddu ku weerartay xeebaha gacanka Cadmeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Yemen.

Laba doonyood oo yar yar, oo ay saaran yihiin lix Burcad-beed ah oo hubaysan, islamarkaana xawaare sare ku socda, ayaa markabka weeraray, inkastoo aysan ku guulaysan in ay qafaashaan, kadib markii ilaalada markabku iska difaaceen sida ay ku warrantay Sky News oo xiganaysa shirkadda Stolt-Nielsen ee markabkaasi leh.

Qoraal ay shirkadd Stolt-Nielsen u dirtay warbaahinta Sky News, ayaa laga soo xigtay in ilaalada markabu ay burburiyeen mid kamid ah doonyihii weerarka soo qaaday,  halka markabka ay waxyeello ka soo gaartay Rasaastii ay Burcad-badeedda, inkastoo aan wax khasaare nafeed ah ka dhalan.

Sidoo kale, Isbahaysiga La dagaaallanka Burcad-badeedda Xeebaha Soomaaliya, ayaa ka digay in laga cabsi qabo in Burcad-badeeddii Soomaalidu dib isu’ abaabulaan sababo la xiriira dhaqaale yarida ka dhalatay cudurka Coronavirus.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.