Wararka laga helayo Gobolka Fafaan ee dhulka Somali Galbeed ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ay hub badan ka qabteen degmada Wajaale, kuwaasi oo la doonayay In la geliyo gudaha Somali Galbeed (Ogadenia).

Hubka ay ciidanka qabteen ayaa waxaa lagu sheegay in ay tahay 20 Baskooladood oo ah nooca ay farsameyso Dowladda Turkiga, sida ay sheegtay Waaxda dakhli ururinta ee Wasaaradda Maaliyadda ee dowlada federalka Itoobiya.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in hubka  lagu qariyay Gaari Isuzu ah,  kaasi oo ku sii socday Magaalada Jigjiga ee caasimada Somali Galbeed.

Saraakiisha Amaanka degmada Wajaale ee dhinaca Somali Galbeed ayaa sheegay in ay xireen qofkii waday Gaariga lagu qarinayay hubkaas, iyagoona shaaca ka qaaday saraakiisha in maanta baaritaano ay socdaan.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.