Kooxo hubeysan oo aan heeybtooda la garanaynin ayaa xalay weeraray guri u deganaa xildhibaan katirsan gollaha shacabka, wuxuuna ka dhacay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Sida aan xogta ku helnay, rag wato walxo qarxa ayaa xalay Bam Gacmeed ku tuuray guriga uu leeyahay xildhiban Jibril Cabdirashiid Xaaji oo ku yaalo xaafada Taleex oo katirsan degmada Hodan.

Xildhibaanka waxba kama soo garin qaraxa laakiin waxa la xaqijiyay in qar kamid ilaaladiisa ay ku dhawacmeen qaraxa oo xalay gilgalay magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Jibril Cabdirashiid Xaaji ayaa kamid ah Xildhibaanada lagu doortay degmada Ceel-Waaq ee gobolka Gedo.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyada qaraxa.

Halgan Media