Wararka laga helayo degmada Qardho ee Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa sheegaya in iska hor imaad xalay ka dhacay qayba kamid magaalada u ku dhintay taliyaha saldhiga, Allahu u Naxariisto, Cumar Hiirad Kaatun.

AUN Taliye Cumar Hiirad Kaatun ayaa la sheegay in uu hogaminayay howl gal ka dhan ah koox burcad ah oo hubeysan oo ka ganacsato mandooriyaha, waxaana la sheegay markii ay labada dhinac iska hor imaadeen ay is dhafsadeen rasaas xoogan, taas oo keentay in uu dhinto taliyha.

Kooxda dil geystay ayaa la sheegay in ay goobta ka baxsadeen dilka kadib. Hayadaha amaanka Puntland weli kama aysan hadlin dhacdada xalay ka dhacay degaanka Qardho.

Halgan Media