Wararka Itoobiya naga soo gaadhaya gar ahaan ismamuulka Axmaraada ayaa sheegaya in dableey hubeysan ay dilal toogasho ah ka fuliyay badhtamaha magaalada Legambo.

Sida wararku ay sheegayaan Rag ku hubaysan bastoolado ayaa toogasho ku dilay 4 Qof oo shacab ah. Goob jooge ka agdhawaa halka uu dilku ka dhacay ayaa xaqiijiyay geerida 4tii Qof,  waxaana uu hadalkiisa intaasi ku daray in ragga dilka geystaay goobta ka baxsadeen.

Dhacdadan ayaysan wali ka hadlin laamaha amaanka ee ismamuulka Axmaraada,  inkasta oo ay dilka kadib goobta gaadheen ciidamada amaanka kuwaas oo baadhitaano ka bilaabay goobta dilku uu ka dhacay.

Mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa faraha ka baxay amaanka guud ee ismamuulka Axmaraada mana jirto faah faahin dheeraad ah oo ay bixiyaan laamaha amaanka kadib marka ay dhacaan falalkan noocan oo kale ah. Waxaana xusid mudan in ciidamada amaanka ay howlagallo ka wadaan Qayba kamid Ismaamulka Axmaraada.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.