Ugu yaraan 95 ruux ayaa dhaawacmay kadib Qarax xoogan oo ka dhacay afaafka hore ee xarun booliis oo ku taala caasimada Kabul ee dalka Afqaanistan.

Afhayeenka wasaaradda caafimaadka Wahidullah Mayar ayaa sheegay in ugu yaraan qaraxa ay ku dhaawacmeen 95 ruux oo ay kamid yihiin haween iyo caruur lageeyay isbitaalka. Sidoo kale maleeyshiyaadka Taliban ayaa sheegatay masuuliyada weerarka.

Weerarka ayaa yimid maalin kadib markii maleeyshiyaadka Taliban ay sheegtay in ay hor istaagayso doorashada madaxtooyada oo lagu madal sanyahay 28’ka bisha September ee soo aadan, iyagoona ku hanjabay in ay weerari doonaan goobaha cod bixinta.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.