Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ayaa hawlgal gaar ah ku burburiyay fariisin Ururka Al Shabaab ay ku lahaayeen meel ka mid ah degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose.

Sidoo kale waxa ay ciidanka Jubbaland la wareegeen sahnad ciidan oo Shabaab ay lahaayeen, sida ay inoo sheegeen saraakiisha ciidanka Jubbaland. Abaanduulaha Guutada Labaad ee ciidanka Daraawishta Jubbaland degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose Maxamed Axmed Xirsi ayaa waxa uu sheegay in hawlgalkan lagu dilay ilaa Lix nin oo Laba ka mid ah ay ahaayeen saraakill.

Taliye Xirsi ayaa saraakiisha laga dilay Shabaab magacyadooda wuxuu ku kala sheegay Suheyb oo loo yaqaanay (Khaalid) oo ahaa Dhaqtarka guud ee aagga galbeed ee gobolka Jubbada Hoose iyo Sarkaal kale oo lagu magacaabi jiray Shuceyb Aadan Cali oo Shabaabka ay u yaqaaneen (Warsame).

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa dhawaan amray in ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland ay qaadaan dagaal ka dhan ah Shabaab, si looga saaro degaanada ay ku harsan yihiin.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media