Ugu yaraan 9 ruux ayaa ku dhintay halka 16 kalena ay ku dhaawacmeen toogasho goor dhoweyd ka dhacday gobolka Ohio ee waddanka Maraykanka sida laga soo xigtay Booliiska gobolkaasi.

Booliiska degmada Dayton ee gobolka Ohio oo weerarku ka dhacay ayaa toogasho ku dilay qof lagu tuhmayo in uu weerarka geystay sida ay sheegtay warbaahinta Maraykanka.

Mas’uuliyiinta degmada Dayton iyo maamulka gobolka Ohio ayaan wax faahfaahin ah ka bixin dhacdadaasi balse waxay ku gaabsadeen in weli baaritaan socdo.

Toogashada ayaa dhacday wax ka yar 24-saac kadib markii Sabtidii toogasho kale uu nin hubaysan ku dilay in ka badan 20 ruux goob laga dukaamaysto ku taalla gobolka Texas ee isla dalka Maraykanka.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.