Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay Canshuur cusub oo uu ku soo rogay Dalka Shiinaha, taasi oo loo arko in ay uga sii dareeyso dagaalka ganacsi ee labadda Dowladood.

Qoraalo is xig-xigay oo uu ku soo qoray bartiisa Twitter-ka ayaa Trump waxaa uu ku dhawaaqay in 5% uu ku kordhinayo Canshuurtii saarneyd badeecada Shiinahu uu geeyo Mareykanka.

Talaabadaan ayaa waxaa ay imaaneeysa saacado ka dib markii Shiinuhu uu shaciyay qorshe uu ku doonayo in Canshuurta uu ka qaado badeecadda Mareykanka uu gaarsiiyo $75 billion oo doolar.

Trump ayaase Talaabadaas waxaaa uu ku tilmaamay mid siyaasadeeysan waxaana uu hadalkiisa ku daray in Shiinuhu uu ka faa’iideeysanayo Ganacsatadda Mareykanka.

Waxaa uu sheegay in maamuladii isaga ka horreeyay ay u ogolaaden in Shiinuhu uu sameeyo Cadaalad darro ganacsi, balse uusan isagu ogoleyn in ay arrintasi sii socoto.

Saameeynta dagaalka Ganacsi ee Mareykanka iyo Shiinaha ayaa gaaray Suuqyadda dunida, waxaana dowladuhu ay iska indho tireen baaqyo ahaa in ay xiisadda damiyaan.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.