Safiirka cusub ee Dowlada Soomaaliya u magacawday dalka Hindiya,  Faaduma Cabdullaahi Insaaniya ayaa gaartay magaalada New Delhi ee caasimada dalka Hindiya, halkaas oo soo dhaweyn loogu sameeyay.

Qaar ka mid ah madaxda iyo Dibolomaasiyiinta dalka Hindiya, diblamaasiyiinta safaaradda Soomaalida iyo jaaliyada soomaaliyed ee dalkaasi, ayaa ka qeybgalay soo dhoweynta Safiirka cuub ee dowladda Federaalka ay u magacaawday dalkaasi.

Faaduma Cabdullaahi Insaaniya oo ka hadashay kulankii soo dhoweynta ka dib ayaa ka mahadcelisay sida qiimaha leh ay u soo dhaweeyeen madaxda dalka Hindiya iyo diblamaasiyiinta iyo jaaliyada Soomaaliyeed ee ku sugan halkaasi.

Siihayaha safaaradda ahna Qunsulka Guud ee safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Hindiya, Axmed Maxamuud Maxamed oo isna kulanka soo dhoweynta ka hadlay ayaa ka warbixiyay howlaha shaqo u qabsoomay safaaradda iyo qorshaha waxqabad ee horyaala.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.