Qarax Miino ayaa Maanta waxaa Ciidamo ka tirsan xogga dalka lagula eegtay degaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedka magalaada Muqdisho, halkaasi oo Maalmihii ugu danbeeyay ay kajireen falal Amni darro oo sii kordhayay.

Dadka degaanka ayaa Halgan Media u Sheegay in ay arkayeen Qaraxa kadib Qiiq iyo uuro hawada is qabsatay, Waxaa ayna tilmaameen in qarax lala eegtay gaari Cabdi Bile ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada.

Inta la xaqiijiyay Qaraxa waxaa ku dhintay 7 askari oo tirsan ciidanka dowlada, iyadoona qof shacabka  uu ku dhaawacmay qaraxaasi Miino.

Intaa kadib Waxaa goobta uu qaraxa ka dhacay gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada Federaalka Soomaaliya, iyadoona Durbadiiba Halkaasi ka bilaabay Baaritaano lagu xaqiijinayo Amaanka.

Wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.