Warmurtiyeed ka soo baxay xukumadda Eritrea ayaa lagu sheegay in Hay’addaha Ammaanka Mareykanka ay maleegeen afgambigi Militari  ee lala damacsanaa sanadka marka uu ahaa 2011-ka, balse hadda ay heleen macluumaad dhammeystiran oo afgambiga la damacsanaa muujinaya.

Eritrea waxa ay soo bandhigtay Dukuminto sir oo laga helay CIA Mareykanka iyo laanta Sirdoonka Yahuuda oo Afgambigaasi la qorsheeyay in ay gacan weyn ka geystaan si xukunka looga tuuro Hoggaamiyaha Eritrea.

Afgambigi la damacsanana waxaa qayb ka ahaa ayey tiri xukumadda Asmara in kacdoonna shacab gudaha Eritrea laga abaabulo si awoodda dowladda loo wiiqo.

Dokumantiga sirta ee ay shaacisay xukumadda Asmara ee ay warmurtiyeedkeda ku sheegtay waxaa kale oo ka mid ahaa: “Dowladda Itoobiya awoodda ciidan uu dalka Eritrea leeyahay daraasadda ku saabsan ee loo soo gudbiyey inuu yahay mid dhab ah oo muddo gaaban suuragelin karo in xukumadda Asmara laga takhaluso, laakiin waxaa lagu wargeliyey ‘iney degdegin’.”

Laanta Sirdoonka Israa’iilna waxay ka shaqeyneysay ayey tiri warmurtiyeedka Asmara ka soo baxay iney diyaariso xoga been ah oo ku saabsan iney xukumadda Asmara ay xiriir la leedahay kooxaha argagixisada ee Bariga Dhexe ka dhaqdhaqaaqa.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.