Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Rag hubeysan oo Qof shacab ahaa ku dilay duleedka degmada Salaxaad ee gobolka Erer.
Ilo deegaanka ah ayaa Halgan Media u sheegay in Marxuumka la dilay uu ka yimid ahay dadka degaanka, islamarkaana maleeshiyaad hubeysan ay Xalay ku dileen duleedka degmada Salaxaad.
Saraakiisha ammaanka ee ku sugan Salaxaad ayaa sheegay in ay ku raad jogaan Raggii ka dambeeyay dilkaasi, islamarkaana haatan ay wadaan baritaano la xariira sida ay wax u dhaceen.
Lama oga sababaha ka dambeeya dilkani, balse muddooyinki dambe degmada Salaxaad iyo tuuloyinka udhow waxa ka taagnaa xiisado u dhexeeya Beelo wada daga degaankaasi.
Weli ma jiro wax war oo ka soo baxay Ismaamulka Somalida oo ku aadan Dilka Marxuumkaasi.
Warkan iyo wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.