Waxaa xaqiiqa in 1991kii Soomaalidu gashay miyirla’aan {unconsious or coma) cadaw wax badan daraasad cilmibaariseed ku sameeyey baa la helay dharbaaxo weyn oo hal mar tirtiray, dhaqaale, aqoon, dhaqan, taariikh iyo diintii muqadaska ahayd oo la fidneeyey waxaan idinku baraarujin lahaa in qof kasta oo Somaali ah uu sidaas wax u arko islamarkaasna hoosta ka xariiqdo in aan hub iyo awood ciidan midna naloo adeegsan ee na loo adeegsaday fikir qabyaaladeed (TRIBAL IDIOLOGY) oo la ogaa in aan u nugul nahay(SENSETIVE),Hadaba aanu isweydiino maxaa cadawgu noo quuri la’yahay.

1-Meesha aanu aduunyada uga naal oo aad iyo aad muhiim u ah.

2-xeebta dheer ee labada badood ee isbarkan oo labadaba albaabkoodu yahay Soomaaliya iyo khayraadka ka buuxa.

3-Dhulka Soomaaliya oo qani ku ah macdan kala duwan  iyo shidaal isna xad dhaaf ah.

4-Intaas waxaa dheer xoolaha nool oo Ebbe nagu manaystay.

5-waxaa kale oo naloo quuriwaayey horumar xawliya oo tobankii sano oo u horeysay dawladii kacaanka dadka Soomaaliyeed samaysteen markii ay heleen qorshe qabyaalada ka madaxbanaanaa,waa Meesha ay ka soo bilaabantay,qabyaalada oo suuxsaneyd

Isku soo wadaduub dhammaanteen soo uma ekin dameero malab ku raran yahay?Akhristayaashu ha ka jawaabeen.

Waxaan kale ee Soomaalida xasuusinayaa in shantii sanoo u horeysay burburka  markii la joogay oo qorshii naloogu talagalay an gacmahayaga ku fuliney,cadawgu u fariistay in aan dawlad danbe oo xoog leh ka dhalan geyiga Soomaaliya,quburo xeeldheerayaal ah baa loo fariisiyey waxayna soo diyaariyeen nidaamka Federaalka sirgaxan dalkii iyo dadkii si qabyaaladeysan  loo kala jarjaray,bal aan isweydiino su,aalahaan;-

1-Adduunyada ma jirtaa dal dadkiisu mid yahay,dhaqankiisu mid yahay, oo haldiina kaliya leh oo federaal?

2-Federaal qabyaaladeysan meel looga dhaqmo ma jirtaa?

3-Dal madaxwenayaal leh ma jiraa?

4-Laba barlamaan ama laba gole oo xeerdejin ah midna gobolada matalaayo midna Dowladdhexe,maxaa loogu baahan yahay?

Halkaan hoose ka dhegeysta oday wadani Soomaaliya ah cajal ama kilib uu noo diyaariyey xog dhab ah oo uu soo aruuriyey.

Aan soo koobee waxa ka socda Dhuusamareed kaliya haddaan eegno tusaale aan ku baraarugno soow nooguma filna,waxa kooxda yar isku haysato sow wixii mustaqbalkayaga iyo kan caruurtayada maaha?Adduunyada casriga ah oo dadku madaxdiisa doorto,ma waxaan u noqonaa qarnigii 15naad iyo kii 16naad awoodii ninka kaliya(THE POWRE OF ONE MAN).

-Wax ka wanaagsan dadku wakiiladiisa iyo hoggaankiisa ha doorto miyaa jira?

-Kuwa diidan ee ku gorgortamaaya dadku wax dooran mayo ee anagaa u dooreyna mana qabataa haddaan nahay shacbigii Soomaalkiyeed?

-Maxaa diiday in aan dareenkayaga ku muujin xaquuqda dasuuriga ah ee mawaadhinka in uu wax doorto?

Culumada, dhalinyarada iyo ururada  bulshada in kaalintoodii Meesha ka maqan tahay baa ii muuqata, kuwa diidan in qof kasta oo Soomaaliya codkiisa dhiibto maxay masalayaan cadawga aan kor uga soo sheekeyey,odayga xogta soo aruuriyeyna iiga marqati furay.Ugu denbay Soomaaliyeey waxa aadm rabtaan soo baxa banaanka oo sheegta,cid kale idiin hadli meyso haddii aad aamustaan,xataa haddii aad u aragtaan in aydnaan wax dooran ee la idiin dooro soo baxa oo sheegta,ama xaqiina doorashada qof iyo cod u hiiliya.

W/Q : Jimcaale