Ganacsade Soomaaliyeed ayaa xalay Kooxo Burcad Koonfur Afrikaan ah waxay ku dileen goob ganacsi oo uu ku lahaa gudaha waddankaasi sid ay soo sheegayaan Soomaalida halkaasi ku nool.

Ninka dhalinyarada ah oo lagu magacaabi jiray Xuseen Cali Saqiir ayaa Goob Ganacsi kulahaa degaanka ka tirsan gobolka Mpumalanga ee Wadanka koonfur Afrika waxaana sida la sheegayo uu ganacsiga halkaasi ka bilaabay dhowaan.

Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa warbaahintu ka soo xigatay in muwaaddinka la dilay uu waddanka Koonfur Afrika ku noolaa muddo 9 bilood kaliya isla markaana dhawaan uu ka tegay Magaalada Jowhar ee Xarunta gobolka Shabellaha Dhexe.

Kooxa Burcada aheyd ee dilka geysatay ayaa Goobta ka baxsatay,waxaana Meydka Muwaadinka Soomaaliyeed Goobta ka qaaday qaar ka mid ah Ganacsatada Soomaalida oo deris la ahaa Ninka la dilay.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.