Beledweyne (Halgan Media) – Ciidamada Shisheeyaha ee AMISOM ayaa maanta si ku meel gaar ah uu xiray garoonka Ugaas Khaliif ee magaalada Beleweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kaas oo maalin ka hor uu ka dhacay shil diyaaradeed oo aan wax khasaaro nafeed ah sababin.

Garoonka ayaa waxaa maalinamdii Taalaada aheyd ku soo dhacday Diyaarad xamuul ah oo shixnad u sidday ciidamada Shisheeyaha loo yaqaan AMISOM, kadibna ku gubtay garoonka Beledweyne.

Weli lama sheegin muddada u xirnaan doono garoonka oo muhiim u ah isu socdka bulshda gobolka Hiiraan.

Waxaana xusid mudan shalay bay aheed markii ay ciidamada AMISOM u diidan guddomiyaha gobolka Hiiran, mudane Cali Jeyte in uu galo garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Baladweyne.

Halgan Media.