Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya gaari Rakaab ah oo saacadihii la soo dhaafay lagu rasaaseeyay duleedka degmada Mateeme ee gobolka Gondar oo katirsan Ismaamulka Axmaraada.

Gaariga oo ahaa Hoomey, islamarkaana ay la socdeen dad Rayid ahaa ayaa la sheegay in kooxo burcad ah ay ku rasaaseeyeen deegaanka Mateeme ee gobolkaasi.

Ugu yaraan illaa 4 Qof ayaa ku dhawaacmay sida ay Halgan Media u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in Raggii ka dambeeyay falkaasi ay ahaayeen burcad doonayay in ay dhac u geystayaa gaarigaasi.

Weli war rasmi ah oo ka soo baxay Ismaamulka Axmaraada oo ku aadan dhacdadaasi. Balse waxaa inta badan Gobolka Gonder ka dhaca dhibaatooyin ceynkani oo kala ah oo ay geystaan kooxo qooleysata ah oo ku sugan Waddooyinka gobolkaasi.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.