Waxaa marba marka ka dambaysa circa isku sii shareereysa xiisadaha cakiran ee ka jira dalka Itoobiya, gaar ahaan deegaanada dowlad deegaanka Oromiya, waxaana halkaas ka socda rabshado ay dad badani ku nafwaayeen.

Ilaa 54 qof ayaa saacadihii lasoo dhaafay dhagax lagu dilay, halka 13 kalana ay toogasho ku dileen ciidamada booliiska ee ka howlgala deegaanada ismaamulka Oramia, kuwaas oo isku dayaya in ay xaka meeyaan dibad baxayaasha.

Saraakiil ka tirsan booliiska oo u waramay Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa xaqiijiyay in dabadabaxyada rabshadaha watay ee maalmahaan ka socday dhulka Oramada ay ku naf waayeen ilaa 67 ruux, iyadoo ay rabshadaahii maanta madaxa la galeen maalintii seddaxaad.

Sida uu komishinka booliska deegaanka Oromiya usheegay wakaalada wararka ee routers ilaa hada inta lahubo 67 qof ayaa ku nafwayday rabshdo iyo iskudhacyo maalinkii 3aad galay oo kasocda deegaanada oromada.

Rabshadahan oo markii hore ku bilawday eedaymo uu jawar Mohammed usoo jeediyay dawlada Abiy Ahmed ayaa haatan isubadalay iskudhac qoomiyadeed iyo meelaha qaar mid diimeed.

Dhankakale boqolaal dukaan iyo meherado ayaa dab laqabadsiiyay, waxaana lagubay goobo diimeed oo ay ku jiraan Maajid iyo dugsiyo Qur’aan, iyo goobo kale oo ay ku cibaadeystaan masiixiyiinta.

Jawar Maxamed oo ah ninka sababta u ahaa in ay qarxaan rabshadaha hareeyay deegaanada ismaamulka Oramiya ee dalka Itoobiya oo la hadlay Reuters waxa uu eedeyn u jeediyay Ra’iisul Wasaaraha dalka Abiy Ahmed oo uu ku tilmaamay kaligii taliye.

Jawar Maxamed ayaa sidoo kale sheegay in Abiy Axmed uu Itoobiya ku celinayo halkii iyo nidaamkii ay horay uga dhiidhiyeen shacbiga Itoobiya sida uu hadalka u dhigay oo uu ku sheegay nidaam dhiig miirato ahaa.

Jawar ayaa sidoo kale mar uu la hadlayay Wakaaladda AFP ayaa waxa uu sheegay in uu ku haminayo in sanadka 2020-ka uu u tartami doono xilka Ra’iisul Wasaaraha ee dalka Itoobiya.

Dhinaca kale Booliska Oromiya oo baaritaano amni xaqiijin ah ka sameeyay goobo badan oo ay ka niisado ka mid yihiin kuwaas oo laga soo saaray hub la sheegay in si qar soodi ah loogu xareeyay Kaniisad ku yaalla magaalada Arsi ee is maamulka Oromiya.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.