Itoobiya waxey u burburi doontaa sidii wadankii la’oran jirey Yogoslavia. Sababtuna waxey tahay waxaa ku nool qowmiyado isdiidan oo aan ku heshiin karin in ay qaybsadaan awooda dalka. Itoobiya weligeed xoog baa lagu xukumi jirey marnaba ma yeelan dowlad demoqraadi ah oo shacabku soo doortaan, dhaqankaas dowladnimo lagama yaqaan.

Mida kale Itoobiya weligeed waxaa ka talin jirey Boqoro iyo xukuumado kelitalis oo Xabashidu hogaanka u hayn jireen. Xabashi waxaa laysku yiraah qabaa’ilka Amxaarada iyo Tigreeda oo asalkooda hore ka soo jeedo qabiilo ama beelo waagoodii hore degganaa Koonfurta Areebiya (Yemen) oo laysku oran jirey Xabashat, sida ay qabaan taariikhyahannada Conti Rossini iyo G.Melibaa. Aqoonyahanadan iyo kuwo kale waxey daliil uga dhigayaan in Xabashadu asal ahaan ka soo jeedaan Yaman waxaa kamid ah 1-Af Amxaariga iyo kan Tigreega waxey ka tirsan yihiin afafka Bahda Samitikada Koonfureed waxeyna la hayb yihiin Afka Carabeedkii hore ee loogu hadli jirey Koonfurta Areebiya 2- Farta Amxaarigu waxey la mid tahay middii ay adeegsan jireen reer Saba iyo reer Ximyar oo ay ka maqanyihiin shan xaraf, bedelkooduna lix kale ayaa lagu buuxiyey.

Dadyowga Xabashada waxey Itoobiya xukumi jireen tan iyo qarnigii 4-aad. Boqortooyadii ugu horeysey ee Xabashadu waxaa lagu aasaasey deegaanka Agaw waa dhulka hadda loo yaqaan Eritrea markii danbe waxey xuruntooda ahayd Aksum. Taliskaas Xabashadu aayar aayar ayuu u fidey wuxuuna cagta mariyey Boqortooyadii qadiimka ahayd ee Kuush oo ka talin jirtey Waqooyiga Suudaan. Sanadka markuu ahaa 525 Miilaadiyada ayey Boqortooyadii Xabashada ee Aksum ku duushey oo qabsatey dalka Yemen oo ay xilligaas ka talin jireen dowladdii Ximyar. Xabashada mudo nus qarni ku dhow ayey gacanta ku haysey dalka Yaman. Boqortooyadaas Xabashada waa midii weerartey magaalada Maka si Kacbada u burburiyaan mudo qarni ka yar dhalashadii nabi Maxamed CSW.

Xabashadu taariikhdaa fog ayey leeyihiin ilaa Boqor Xayle Salase ilaa Xukunkii hadda ugu danbeeyey ee Tigreega hogaaminayey iyagaa ka talin jirey Itoobiya mana ogolaan karaan in Oromo ama qowmiyad kale ka taliso Itoobiya.

Oromaduna maanta waa xoog muuqda inkastoo aysan mideysnayn laakiin Itoobiya dib uguma hirgeli karto dowlad aan Oromadu saameyn ku lahayn. Marka isriixriixa ka dhaxeeya Oromada iyo Xabashada wuxuu sabab u noqon karaa in Itoobiya kala burburto oo ka soo baxaan dowladdo kala duwan sidii ku dhacdey dalkii laysku oran jirey Yoguslaafiya. Waxaa kaloo dhici karta in Itoobiya dagaal sokeeye ka dhaco oo wadanku fowdo galo. Xilli waxaa jirey reer Galbeedku isku hayn jirey Itoobiya laakiin qaabka hadda wax u socdaan haddaan Xabashida iyo Oromadu siyaasad ahaan isfahmin xukunkana ku heshiin cid burbur iyo dagaal sokeeye ka badbaadin kartaa ma jirto.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.