War ka soo baxay Jabhadda ONLF ayaa waxaa looga hadlay isbedalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Somali Galbeed (Ogadenia), gaar ahaan colaado ka soo cusboonaaday halkaasi.

ONLF ayaa baaq nabadeed u dirtay Beelo ku dagaamaya deegaano iyo degmooyin hoostaga Somali Galbeed (Ogadenia).

Halkan hoose ka aqriso War-Saxaafadseedka.

Tan iyo markii ay isbedallada siyaasadeed ka dheceen dalkaee la soo afjaray cabudhintii  iyo cadaadiskii lagu hayayabulshada Soomaalida Ogaadeenya, waxaa soo kordhayaycolaadaha iyo isku dhecyada beelaha dhexdooda ah, kuwaasoo dhibaatooyin badan gaadhsiiyay dadwaynaha, islamarkaana carqalad ku noqday taabba-gelinta nabadda iyohorumarinta deegaanka.

Waxaa jira dagaallo badan oo dhex-maray beelaha Somalida Ogaadeenya oo gaystay waxyeellooyin dhimashoiyo dhaawacba isugu jira, kuwaasoo ka dhashay dhulal la iskuhaysto. Waxaa sidoo kale jira meelo badan oo la is hor-fadhiyo, lagana cabsi qabo inay dagaallo ka billowdaan, oo u baahan in laga qaado tallaabooyin lagu baajinayo dhiig macnadarro ah ku daata.

Colaadaha beelaha dhexdooda ah waxaa sabab u ah tuulooyinama dhul deegaan ah oo la isku haysto, waxaana intoodabadan raad ku leh siyaasadii taliskii hore ee ahayd abuuristatuulooyin ka turjumaya danaha amni ee taliska ee aan ka turjumaynin danaha bulshada deegaannadaas deggan.Arrintaasina waxay halis galisay amnigii dalka iyo xidhiidhkiiwanaagsanaa ee u dhexeeyay beelaha wada-dega ama deriskaah. Waxay sidoo kale khatar ku tahay daryeelka dhulkadaaqsinta ah cimilada guud.

Sidaas darteed, waxay Jabhaddu ugu baaqaysaa bulshadaSoomaalida Ogaadeenya inay si degdeg ah u joojiyaan isku-dhacyada dhexdooda ah, isla markaana ay wada-xaajood iyois af-garad ku dhammeeyaan xurgufaha u dhexeeya.

Jabhaddu waxay sidoo kale dowlad deegaanka ugu baaqaysaainay la timaado barnaamij wax ku-ool ah oo lagaga hortegayoisku-dhacyada soo noqnoqonaya ee beelaha u dhexeeya, islamarkaana ay diyaariso qorshayaal cad-cad oo lagu xakamaynayo isku-dhacyadaas iyo hay’adihii qorshayaashaasfulin lahaa. Maadaamoo dalka ay muddo  dheer dagaallo ka socdeen, cadaadis iyo gabood-fallo badana ka dhaceen, waxaalagama maarmaan ah in la dejiyo barnaamij dib u-heshiisiinah oo lagu furdaaminayo dhibaatooyinkii dhacay, bulshadanala isugu soo dhawaynayo.

Jabhaddu waxay dhinaceeda diyaar u tahay inay dowladdeegaanka kala shaqayso sidii xal waara loogu heli lahaacolaadaha beelaha ee maalinba maalinta ka dambaysa siikordhaya. Jabhaddu waxay aaminsan tahay in xaqiijintamidnimada shacabka iyo dib u-heshiisiinta bulshadu ay fure u yihiin xaqiijinta amniga dalka.

Jabhaddu waxay si cad uga soo horjeeddaa tuulooyinka aannacfiga u lahayn bulshada ee qaabka siyaasadaysan loo abuurayo, kuwaasoo danta laga leeyahay ay tahay is riix-riixiyo in Qabandi lagu helo.

Tuulooyinka noocan ah waxaykhatar ku yihiin amniga dalka, xidhiidhka bulshada iyodhawrsanaanta deegaanka, sidaas darteed waxay Jabhaddudowlad deegaanka ku guubaabinaysaa inay soo saartogo’aamo iyo qorshayaal ka dhan ah tuulooyinka noocaas ah, iyadoo la hubinayo in xallinta wixii khilaaf ah ee beelaha u dhexeeya loo maro garsoor dhexdhexaad ah oo cadaalad kushaqeeya.

Waxaa kaloo lagama maarmaan ah in la hirgeliyo barnaamijyo wacyigalin ah oo dadwaynaha lagu barayosarrayo sharciga iyo in kala-dambayntu ay fure u tahaynabadda iyo horumarka deegaanka.

Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeniya (JWXO).