Wararka ka imaanaya degmada Tuliguuleed ee gobalka Fafaan ayaa sheegayo in galabta ay weerar dhinaca lugta ah ay tuulada Tuur Caanood ee ka geesteen Maleeyshiyaadka Oromada.

Weerarka ayaa ka dhacay duleedka deegaanka Tuliguuleed gar ahaan tuulada Tuur Caanood, waxaana la sheegay in maleeyshiyaadka Oromada laga dilay laba ruux, midna waa laga dhaawacay, kadibna dib ayey ulaabteen xaduudka siidi ee sheegen dadka degaanka.

Maleeyshiyaadka Oromada ayaa mar walba dadka rayidka ku xasuuqa degaanka Tuliguuleed iyo qabalaha u dhow, waxaana soo badatay beegsiga shacabka Soomaaliyeed ay u geysanayaan Maleeyshiyaadka Oromada.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco shabakada Halgan Media.