Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo ka mid ah saraakiisha Jabhada ONLF, ayaa saaka gaaray degmada Tuliguuleed ee gobolka Fafaan.

Qalbi-Dhagax, ayaa waxaa degmada Tuliguuleed kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan degaanka, odayaal dhaqameed iyo dad weyne watay calanka jabhada ONLF.

Qalbi-Dhagax ayaa soo dhaweyn kadib la hadlay boqolaal kamid ah dadka kusoo dhaweeyay degmada. Cabdikariin Sh Muuse Qalbidhagax ayaa inta uu ku sugan yahay Tuliguuleed waxa uu la kulmi doonaa mas’uuliyiinta ugu sareysa degmada iyo qeybha kala duwan ee Bulshada.

Hoos Ka Daawo Sawiirada