Qar mid ah shirkadaha dayuuradaha caalamka ee horey u soo iibsaday dayuurada Boeing 737 Max-8 ayaa joojiyey isticmalakeeda ka dib markii ay shalay dalka Itoobiya ku burburtay dayuuradii labaad ee noocaas ah.

Shilkii hore ayaa ka dhacay dalka Indonesia bishii Oktoobar ee sannadkii hore, wax yar uu ka dib markii ay dayuuradan cagaha dhulka ka qaadday, waxaana soo baxaya su’aalo la iska weydiinayo bedqabka dayuuradan.

Dayuurada 737 Max-8 waa diyaarad ku cusub hawada, waxayna suuqa soo gashay sannadkii 2017-kii, iyadoo Mr. Mary Schiavo oo horey uga tirsanaan jirey laanta duulista hawada sare ee Maraykanka uu sheegay in waxa dhacay ay leeyihiin shaki badan kadib shilkii diyaaradeed ee ka dhacay Itoobiya, kaasoo ay ku dhinteen 157-dii qof ee saarnayd.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.