Hayaada Amnesty International oo ah hayaad u doodo xaquuqa aadanaha ayaa eedeymo culus u jeediyay Dowlada Federalka Itoobiya iyaga oo dalbaday in la sii deeyo maxabiis Oromo ah oo sii sharci daraan u xiran dowlada federalka Itoobiya.

Siiday ay sheegen Amnesty International laba wariye katirsan Oromo Media Network (OMN) iyo sedax sarkaal katirsan Jabhada Oromo Liberation Front (OLF) ayaa weli xirin iyaga oo maxkamadooda dhamaaday asbuc kahor, kadibna wax dembi laga waayay.

Deprosa Muchena oo u qabilsan xafiska hayaada Amnesty International geeska Afrika ayaa xukuumada Abiy Ahmed ku eedeyay inay xaquuqa aadanaha ku xad gudbeen madaam ay sii sharci darro weli dad u xiran yihiin.

Dadka kala xiran waxaay kala yihiin Batir Filae, Gadaa Gabisa, iyo Bilisuma Ararsa oo katirsan Jabhada Oromo Liberation Front (OLF). Dhinaca kala waxaa Dowlada Itoobiya weli u xiran Desu Dula iyo Wako Nole oo katirsan Oromo News Network siida ay wararka u dhigeen hayaada Amnesty International.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.