Inta la xaqiijiyay 6 askari ayaa ku geeriyootay iyo kuwa kalena waa ay ku dhaawacmeen , kadib qaraxyo waa weyn oo saaka aroortii hore lala eegtay cutubyo ka tirsan ciidamada Itoobiya ee ku sugan degmada Halgan ee Gobolka Hiraan.

Ciidamada ayaa Miinooyinkan ay la kaceen, xilli ay marayeen bartamaaha degmada Halgan. Xaaladda ayaa hadda dagan, iyadoona ciidanka Itoobiya ay ka bilaabeen dhaq dhaqaaqyo xoogan weerarka kadib.

Ururka AL Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxda ka dhacay degmada Halgan. Ururka Al Shabaab ayaa inta badan weeraro xoogan ka fuliya Koonfurta iyo Bartamaaha Soomaaliya.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.