Warar kala duwan ayaa kasoo baxaayo dagaalo xoogan oo ka qarxay deegaanka Seba Beru ee gobolka Guji oo katirsan Ismaamulka Oromada oo u dhaxeeyo maleeyshiyaad hubeysan.

Dagaalka wuxuu u dhaxeeyay kooxo hubeysan oo aan heybtood la garanaynin, wuxuuna dagaalka sababay in boqol qof ubarakacaan degaanka u dhow ee Darme sida ay sheegeen qaramada midoobe.

Wargeyska Addis Standard ayaa sii sheegay in dadka kasoo barakacay dagaalka ee ku nool yihiin noolol aad u Xun, waxayna sii sheegan inay dadka aad u rafadsanyihiin sida ay wararka u dhigeen.

Sanadahaan u dambeysay Ismaamulka Oromada wuxuu noqday meelaha ugu khatarsan Itoobiya, waxaana ka socda dagaalo u dhaxeeyo kooxo Iyo maleeyshiyaad Kala duwan.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco shabakada Halgan Media.