Xog hoose oo ay heshay Halgan Media ayaa sheegaysa in dagaalyahano ka tirsan kooxda Dacish ay xalay xili dembe ku dagaalamen buuraha Cal Miskaad oo ku taalo gobolka Bari

Ilo wareedyo aad loogu kalsoonan karo ayaa Halgan Media u xaqijiyay in uu dagaalka ka dhacay farisimo ay kooxda Dacish ku leyihiin gudaha buuraha Cal Miskaad oo dhanka bariga kaga beegan magaala xeebetka Bosaaso, waxeyna ilo wareedyada sido kale xaqijiyeen in ay kooxda isku qabsaden cidii badeli laheed hogamiyaha Dacish, Abdulqadir Mumin oo cafimadkisu aad u lito.

Dagaalka ayaa sababay in sedax (3) kamid ah dagaalyahanada ka tiraan Dacish ay ku dhintan dagaalka, waxaana la sheegay in khilaafka u dhaxeeyo kooxda Dacish uu cirka isku sii shareeray, kadib dagaalki xalay ka dhacay buuraleyda Cali Miskaad.

Mana la oga halka uu ku dambeyn doono khilaafka u dhaxeeyo kooxda Dacish garabka Soomaaliya kadagaalanta, hase yeeshe dhaq dhaaqyo iska soo hor jeedo ayaa lashegayaa in ayka socdaan buuraha Cali Miskaad.

Dacish oo kamid ah ururada argagixisada ee ka diiwangashan lagana yaqaano Calaamka ayaa aad ugu xoogan gobolada waqooyi Bari ee dalka Soomaaliya, iyagoo marar badan weeraro ka fuliyeen magala xeebetka Boosaaso iyo degaano kale oo ka tirsan gobolka Bari.

Halgan Media