Taliska Militariga Aljeeriya ayaa Sabtidii shalay amar ku bixiyey in la xiro Saciid Bouteflika oo la dhashay Madaxweynihii hore ee xilka ka degay Cabdicasiis Bouteflika, waxaa sidoo kale xubnaha la xir xiray kamid ah labadii taliye ee horey usoo qabtay Hay’ada Sirdoonka Bachir Athmane Tartag iyo Mohamed Mediene.

Saciid Bouteflika ayaa lagu tilmaami jiray ninkii ugu awooda badnaa dowladii hore isla markaana la taliye usoo ahaa Walaalkiis, waxaana la sheegaa in tan iyo 2013 uu isagu dalka u taliyey kadib markii uu Xanuunsaday Cabdicasiis Bouteflika.

Tilaabadan ayaa ah mid militariga dalkaasi doonayo inuu ku qanciyo shacabka kacdoonka ka wada Aljeeriya oo Jimcihii lasoo dhaafay qabtay mudaharaadka oo hada socda muddo 11 asbuuc ah.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.