Wararka naga soo gaadhaya magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa sheegaya in gabi ahaan la xidhay Masaajida, Dugsiyad iyo iskullada islamka.

Go’aanka ayaa yimid kadib markii oo cudurka Coronavirus ku faafay gudaha dalkaasi Kenya, kadib markii la xaqiijiyay in 16 qof laga helay cudurka dalka gudahiisa.

Sheekh Maxamed Umal iyo culama kale ayaa shir jara’iid ku qabtay magaalada Nairobi ayaga oo sheegay in gabi ahaan la xidhi doono dugsiyada iyo Masaajida ku yaallo xaafada Eastleigh oo ah xaafada ay u badan yihiin Soomaalida.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.