Wararka naga soo garaay bartaamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in Saacadihii lasoo dhaafay waxaa magaalada Beledweyne ee Xaruunta gobolka Hiiraan waxaa la gaarsiiyey caruur uu so ritay xanuunka shuban biyoodka.

ilo degaanka ah ayaa sheegay in tirada dadka qaba cudurka shuban biyoodka ay aad uu korortay maalmihii u dambeeyey.

Sidoo kale ilo degaanka ah ayaa sheegay inay diyaariyeen xarumo si khaas ah loogu daweeyo dadka uu soo ritay xanuunkan, oo sida uu sheegay caruur u badan.

Qar kamid dadka degaanka ayaa shabakada Halgan Media u sheegay in loo baahan yahay in deegaanka laga hagaajiyo dhanka faya-dhowarka si dadka looga badbaadiyo xanuunkaas, isagoo intaas raaciyey in dhankooda ay ku dadaalayaan aynaa sidii looga hortagi lahaa dadka uu soo ridayo cudurkan shuban biyoodka, oo haatan ay la il-daranyihiin dad u badan caruur.

Tirada guud ee dadka haatan isbitaalka u yaalla cudurkaas ayuu agasimuhu ku sheegay 90 ruux, kuwaas oo ay ku jiraan caruur uu saakay soo ritay xanuunkan.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco shabakada Halgan Media.