Jabhada Xuutiyiinta ee Yemen ayaa qaaday weerar cusub oo ay u adeegsadeen diyaarad drone ah waxayna la beegsadeen Xaruunta shirkaada shidaalka loo yaqaano Aramco ku yaala gobolka Jizam ee Koofurta Sucuudiga, sida Jabhadu ay ku baahiyeen TV-gooda Al-misrah.

Weeraradaan kordhay ee Xuutiyiintu sucuudiga ku qaadayaan ayaa imaanaya xilli ay Xiisadda ka taagan Biyaha Gacanka ee Iran lagu eedeeynayo ay korortay.

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha ka dhashay weerarada Diyaaradaha loo adeegsaday ee ugu dambeeyay, hayeeshee Dowladda Sacuudiga ayaa laga dhowrayaa inay warkan ka soo saaran weerarka ay sheegteen Xuutiyiinta Yemen.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco shabakada Halgan Media.