Sida ay kusoo waramayaan ila-wareedyo lagu kalsoon yahay oo lasoo xidhiidhay Halgan Media,  ayaa tibaaxaya in maleeshiyo Amxaaro ah ay wadaan abaabul iyo hub aruursi balaadhan.

Warkan ayaa sheegaya in qawmiyada Amxaaradu bilawday diyaar garoow balaadhan oo lagu abaabulayo ciidan hubaysan oo qawmiyada u gaar ah. Arintan ishubaynta iyo abaabulka ayaa timid kadib markii Qomiyada Axmaraada ay ku fashilmeen Afgambigii dhacay Asbucii hore.

Waxaa kale oo warkan uu intaas ku darayaa in ciidan aad u hubaysan oo Amxaaro ah usoo ruqaansaday dhanka koonfureed ee deegaanka Axmaarada ee xadka ay kula wadaagaan qawmiyada Oromada. Sidoo kale Qomiyada Amxaarada ayaa aad uga shakisan xukuumada Abiy Ahmed kadib markii Dowlada Federalka Itoobiya ay bilabeen in ay Xiraan dad badaan kasoo jeedo Qomiyada Axmaraada.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.