Wararka naga soo gaaraya dalka Koofur Africa ayaa ku soo warramaya in Magaalada Durban ee dalkaasi lagu dilay Muwaadin Soomaaliyeed islamarkaana Ganacsato kale lagu weeraray Magaaladaasi.

Waxaana jira Khasaarooyin kale oo isugu jira dhaawac iyo dab la qabadsiiyay Dukaamo Soomaalidu ku yihiin Magaalada Durban ee dalka Koofur Africa.

Guddoomiyaha dhalinyarada Soomaaliyeed ee dalka Koofur Africa Maxamed Cumar Talyaani oo u warramayay Idaacadda Halgan Media ayaa hoosta ka xariiqay in muddooyinkii dambe laga nastay weerarada ka dhanka ah Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ka nool dalka Koofu Africa balse haatan walaac xoogan ay ku beertay weeraradaan cusub.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.