Waxaa galabta abaare 5:00 galabnimo dib u soo laabtay qadkii Internetka ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya oo hawada ka maqnaa ku dhowaad 30 saacadood oo xiriir ah.

Internet la’aanta qeybo ka mid ah Soomaaliya waxay saameyn xoogan ku yeelatay adeegyada xafiisyada, shirkadaha, bangiyada, xawiladaha iyo xarumo badan oo hawlahooda shaqo ay ku tiirsaneyd adeegsiga internet-ka.

Internet-ka oo intiisa badan ay bixiyaan shirkadaha Isgaarsiinta dalka ayaa mar kaliya go’ay shalay barqadii, waxaana la sheegay inay cilad ka dhacday dhinaca fiilada Fiber optica ee badda dhex-taalla.

Meelaha ay sida ay weyn u saameysay inter la’aanta ayaa waxaa ka mid ah magaaada Muqdisho oo malaayiin qof ay ku nool yihiin kuwaasoo siyaabo kala duwan ugu tiirsan adeegan, waxaana jiray warar sheegaya in arrimo siyaasadeed ay dowladu u xirtay internetka inkastoo madaxda DF ay beeniyeen arrintaas.

Halgan Media.