Wararka naga soo gaadhaya wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in kooxda OPDO ay Amar bixisiyaay in la xidha madaxda urur kusheega Tigreega ah ee TPLF.

Sida ay sheegan Wabahiinta Ku hadasha dowlada Federalka Itoobiya ee FANA, xukuumada Abiy Ahmed ayaa Amar bixiyaay in la xidha 26 Sarakiil katirsan ururka TPLF oo qar kamid kusugaan magalaada Maqaale ee Xaruunta gobolka Tigreega.

Madax kusheegta la radinaayo waxaa kamid ah hogganka hore ee Sirdoonka Qaraanka Itoobiya  Getechu Asefa. Sidoo kale waxaa lasheegayaa in 26-ka ruux ay dowlada Itoobiya Amartay in la xidha, inta badan dalka ayey ka baxsadeen mar hore.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.