Wararka ka imaanaya degmada Afdem ee gobolka Sitti ayaa sheegaya in Liyuu Booliska dhaq dhaqaaqyo ay ka wadaan halkaasi.

Ciidamada Gaarka ee Liyuu Booliska ayaa la sheegay in haatan ay kusugaan yihiin degmada Afdem iyo howlgallo ballaaran ay ka wadaan deegaano hoostaga degmada Afdem ee gobolka Sitti.

Ilo wareedyo ayaa Halgan Media u sheegay in ay arkayeen Ciidamo fara badan oo u ruqaansaday deegaano dhaca duleedka degmada.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xaaladdu ay tahay mid kacsan. Dhawaan ayey aheyd markii ay maleeyshiyaadka Canfaarta dad Somali Kuxasuuqeen tuulada Madame ee gobolka Sitti.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.