Wararka nagasoo gaadhaya tulada Dhabiile ee duleedka magalaada Dhagaxbuur ayaa sheegaya in maanta uu iska hor imaad dhexmaray shacabka tulada Dhabiile iyo maleeyshiyaadka Liyuu Bolis.

Kadib markii ay maleeyshiyaadka Liyuu Bolis ee kufsadeen gabar yar kamida shacabka tulada, ayaa waxaa bilaabay kacdoon iyo gumeysiga soo diray kadhan ah.

Dagaalka oo mudo socday waxaa sida naloo sheegay dhawr shacab iyo weliba qaarkamida maleeyshiyaadka Liyuu Bolis ayaa kudhintay dagaalka. Xidhitaan baahsan ayaa kasocdo tulada waxaana inta la ogyahay xabsiga lootaxaabay dhawr kamida duqayda magalaada.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.