Wararka ka imaanaya dalka Yemen ayaa waxay sheegayaan in xilligan, xaalad adag oo dhanka nolosha ah ay soo wajahday qaxooti Soomaaliyeed oo ku nool dalka Yemen.

Sababta ay xaaladdan usoo wajahday ayaa lagu sheegay kadib markii xerada Alqaras ee Koonfurta Yemen laga eryey hay’adihii gacanta ku hayey dadkan oo ay ugu weyn tahay UNHCR.

Waxaan jirin cunto, Biyo, iyo waxbarasho halkaasi ka jirta, waxaana xeradan dadka ku nool ugu badan Soomaali, hadda u baahan in loo gurmado.

Sababta hay’adaha loo eryey ayaa ah, kadib markii ay isku dhaceen dadka deegaanka, maadaama ay shaqada ka eryeen askar iyo macallimiin Yemeniyiin ah.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.