Maleeyshiyaadka Liyuu Booliska ayaa Go’doon galiyay degaanka Neefkuceshe oo ka tirsan Gobolka Doolo kadib markii Maleeyshiyaadka Liyuu Booliska maalintii Shalay ay magaalada soo gasheen Dad shacab ah oo gaadiid ku watay dhismayaal iyo Guryo lagu deegaamaynayo si looga mid dhigo Dadka dagan Magaalada.
Waxaana lagu amray dadka Deegaanka joogay inay dhistaan Guryo dadka ay ciidamadu wateen iyagoo lagu dul dajiyay boosas ay lahaayeen Dad shacab ah waxaana ka hor yimid oo diiday inay dagaan dadkii lahaa boosaska, Waxaana diidmada kadib ka dhashay xaalad Jahwareer waxaana la soo galiyay Tuulada ciidama badan oo dadka jirdil iyo xarig u gaystay
Maleeyshiyaadka Liyuu Booliska soo galay degaanka Neefkuceshe ee dhibaatada u gaystay Shacabka ayaa waxaa horkacaya Taliyaha Guud ee Liyuu Booliska u qabilsan Gobolka Doollo Korneyl Cabdiraxmaan iyo Gudoomiya Gobolka Doollo Cabdinaasir Maxamuud Cabdille, Waxaana Ciidamada dadka ay maanta jirdilka ku dhaawaceen ka mid ah.
- Xassan Maxamed Amiin
- Cabdullahi Farax Cabdulle
- Khadijo Bashir Sheekh Cabdullahi
- Sacdiyo Sheekhdoon
- Cabdullahi Xassan Farax
Dhamaan dadkaasi waa la diiday inay helaan adeeg Caafimaad ama la soo qaado meel lagu daweeyo, waxaana la xayiray Gaadiidka galaya iyo kuwa ka baxaya Neefkuceshe.
Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.