Waxaa xalay siyaabo kala duwan qaraxyo ay uga dheceen  qaar ka mid ah degmooyinka Gobolkani Banaadir, waxaana la sheegay in qaraxyadaas ay ka dhasheen khasaare  kala duwan oo soo gaaray dad shacab ah iyo ciidamo ka tirsan Dowladda.

Jugta qaraxyada ayaa xalay laga maqlay xaafadaha iyo degmooyinka Magaalada muqdisho, waxaana tan iyo xalay soo baxayay warar kala duwan oo la xariira jugta xalay laga maqlay qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir.

Waxaa la sheegay in ku dhawaad 10 xaruumood xalay la weeraray oo ka tirsan Gobolka, goobaha la weeraray ayaa ah xaruumaha degmooyin iyo kontorolada ku yaalla qaar ka mid ah degmooyinka.

Afhayeenka Gobalka Banaaadir Saalax Xasan Cumar ayaa xaqiijiyay in xalay 10 xaruumood lagu weeraray bam gacmeedyo, waxaana ka mid ah goobaha la weeraray xarunta degmada Dherkeenlay, xarunta degmada Wadajir,xarunta degmada Waaberi iyo xarunta degmada kaaraan.

Sidoo kale Saalax Xasan Cumar waxaa uu sheegay in xalay  Bam gacmeedyo lagu tuuray waaxyada degmooyin ay ka mid yihiin Deyniile, Shibis, Boondheere, Yaaqshid, Kaaraan iyo xarunta Garasbaaleey ee duleedka Muqdisho.

Qaraxyada ka dhacaya magaalada Muqdisho ayaa maal-mahan soo badanaya waxaana xusid mudan in habeen ka hor qarax uu ka dhacay degmada Waaberi kaasoo ay sheegteen Xarakada Al Shabaab.

Halgan Media.