Dowlada Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa dalkii u gacan geliyey Gumaysiga Itoobiya ee ay hormuudka u tahay Qowmiyadda Oromada xilli rajo laga qabay qaran Soomaaliyeed oo mid ah islamarkaana madax banaan.Waana waxa ay ku saabsan tahay qormadan gaaban.

Itoobiya ayaa si dadban u la wareegtay dalkii, Iyadoo ka faa’iideysaneysa kala qeybsanaanta dadka Soomaalida ah iyo waliba waxtar-xumida mamuulka Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Maadaama ay labada dal u dhaxeyso colaad gaamurtay oo salka ku hayso muran xagaa dhulka ah iyo waliba cidda hurmuudka u noqoneysa Mandaqan Geeska Africa, ayaa waxa ay taasi keentay in labada dal uu midba midka kale u arko cadow ay qasab tahay in la burburiyo.waana siyaasadaa ay Itoobiya kula dhaqmeyso dalka Soomaaliya ilaa maanta !!!!

Markale Iyadoo Itoobiya ka falcelineyso, weerarkii ay Soomaaliya ku qaaday Itoobiya Sanadku markuu ahaa 1977. kaas oo ugu danbeyn keenay, in ay ciidamada Soomaalida muddo gaaban gudahood ku qabsadaan dhamaan dhulka Somali Galbeed ay cadowga Itoobiya gumaysato, Waxa ay Dowladda Itoobiya u kabagashatay sidii ay u burburin lahayd dalka Soomaaliya wadda kastaaba ha u marto.

Dagaalkii 77 ka dib, Waxa ay Itoobiya bilowday qorshe ay ku burburineyso Soomaaliya, Iyadoo isticmaaleysa jabhado Soomaali ah. Qorshahani ayaa saldhig looga dhigay siyaasadda qeybi oo xukun,Kaas oo ugu danbeyn keenay in la rido Dowladdii markaasi jirtay.

Jabhadaha SNM,SSDF,USC iyo SPM ayaa ugu danbeyntii suurtageliyey in ay fusho riyadii ay Itoobiya ku riyoon jirtay ee ah in ay aragto Soomaaliya oo burburto, Islamarkaana lagu kala carara.

Hadaba maxaa sameysay Itoobiya markii ay dhacday Dowladdii Soomaaliyeed ? ma faraha ayey kala baxday arimaha Soomaaliya mise halkeedii ayey ka sii waday faragelintii iyo fowdadii ay wadaay ?

Markii ay dhacday Dowladdii Dhexe ee uu Madaxweynuhu ka ahaa Allahu naxariisto Maxamed Siyaad Barre, Waxay ay Itoobiya halkeedii ka sii waday qorshaheedii burburinta ahaa, iyadoo sii hurineysay dagaaladii sokeeye ee dalka ka socday, sidoo kalena hubeysneysey hadba qabiilka ama Jabhadda ay u aragto in uu fulinayo maslaxddeeda si uu u sii socda dagaalka iyo burburka.

Iyadoo ka duuleysa siyaasaddeeda ka kooban labada qodob ee kala ah, in marka hore la fashiliyo iskuday kasta oo lagu doonayo in lagu dhiso dowlad Soomaliyeed oo xoogan, iyo haddii uu fashilmo iskudaygaasi, in gacanta lagu dhigo shaqsiyaadka horbooda siyaasadda Soomaaliya laga bilaabo heer degmo ilaa heer qaran, taaso oo ugu danbeyn u suurtagelineysay in ay gacanta ku hayso dowlad kasta oo la dhiso.

Hadaba si ay u xaqiijiso qodobkaasi danbe waa Itoobiye, islamarkaana aysan Soomaaliya u maamulin kooxo iyo Shaqsiyaad aan Iyada xiriir la lahayn, Waxa ay qaaday duulaamo dhowr ah oo ay kula dagaalameyso ururadaasi,Waxaana ka xusi karnaa duulaamadaasi kii ay ku qaaday Maxkamadihii Islaamiga, Iyadoo markaasi ku marmarsiineysay in ay caawineyso Dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa dhigya cabka Cabdullahi Yusuf, allah muxuu taariikh madow ka tagay !!!!

Hadaba si ay gacanta ugu dhigto maamulada dalka ka jira haday ahaan lahaayeen heer degmo,heer gobol iyo waliba heer qaran Waxa ay soo barbaarisay Siyaasiyiin Soomaali ah,kuwaas oo ugu danbeyn u suurtageliyay in ay si dadban ula wareegto dalka, Islamarkaana ay Iyadu noqoto cidda kaliya ee wax laga weydiiyo mustaqbalka Soomaaliya iyo waliba nooca dowlad ee loo dhisayo.

Hadaba su’aasha meesha taalaa waxaa weeye siyaasiyiinta Soomaalidu dalkii ma u gacan geliyeen Itoobiya mise maya ? Jawaabtu waa haa maxaa yeelay, ma jiro deegaan ku yaallo Soomaaliya oo aysan Itoobiya saameyn toos ah ku lahayn marka laga reebo inta yar ee ay gacanta ku hayso Xarakada Al-shabab.Waan ku celinayaa mar kale ma jiro deegaan ku yaalo Soomaaliya oo aysan Itoobiya si toos ah u maamulin haday ahaan lahayd Somaliland,Puntland,Jubaland,Koonfur Galbeed iyo waliba Gobolada Dhexe.

Sidaan kor ku xusayba,Waxa ay awood u leeyihiin Sirdoonka Itoobiya in ay cidda ay rabaan ka soo qabtaan dhamaan deegaanada uu ka kooban yahay dalkan marka laga reebo deegaanada ay gacanta ku hayso Xarakada Al-shabab.taasna waxaan u malaynayaa in ay ila qabaan dad badan oo Soomaaliyeed oo aan xaqiiqda ka gabaneynin.Amma beenaalayaasha iyaga ayey u taal

Bal si ay u qancaan dadka Soomaaliyeed ee jecel wanaagga dalkooda, Islamarkaana ay u ogaadaan in Mamuulka hada jirta oo hogaaminayo Maxamed Cabdullahi Farmaajo, u dalkoodii u gacan geliyeen Itoobiya, xili laga rajo qabay qaran Soomaaliyeed oo mid ah, islamarkaana madax banaan bal aan keeno tusaalayaal dhowr ah.

Waxaa kasoo wareegtay sedax sano kadib doorashada Maxamed Cabdullahi Farmaajo, sababaha lagu doortayna ay ugu weyneyd in loo arkay waddani iyo naceybka uu sheegi jiray inuu u qabo Itoobiya.

Hase yeeshee, markii uu kursiga ku fariistay kadib, Farmaajo waxa uu “cadowgiisa koowaad” ee Itoobiya u rogay saaxiibkiisa koowaad, ayada oo Itoobiya ay noqotay dalka ugu badan ee uu booqday intii uu xukunka haye.

Shabakada Halgan Media 

W/Q Maxamed Abdulkaadir