Hogaanka Fashilmay Mustafa Cagjar ayaa waxaa la sheegay in uu sibedel Cusub ku sameeyey Xubnaha sare sare ee hoggaanka Nabadgelyada.

Mustafa Cagjar ayaa xilalkii ka qaadey Afar xubnood oo kamid ahaa saaxiibadii ugu dhawaa ee hoggaanka Nabadgelyada, isaga oo Magacaabey Xubno kale,kuwaas oo kala ah.

1: Hoggaanka Nabadagalyada deegaanka waxaa lo Magacaabey Cabdullaahi Maxamed Cabdi.

2: Hoggaanka Sirdoonka deegaanka waxaa loo Magacaabey Cabdi Siigaale Cabdi.
3: Hoggaan ku xigeenka Nabadsugida deegaanka ayaa waxaa loo Magacaabey Xirsi Maxamuud Dool.

4: Kaaliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Ciidamada ayaa waxaa loo Magacaabey Cabdiraxmaan Yuusud Daac.

Si kastaba Isbedelkan Mustafa Cagjar uu ku sameeyey xubnaha Sar sare ee Hoggaanka Nabadgelyada deegaanka ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli warar soo baxayay ay sheegayaan in uu Madaxweynaha ka badbaadey Afgambi.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.